Friday, July 31, 2026
Home NEWS War Murtiyeed laga soo saaray shirkii ka socday Kampala

War Murtiyeed laga soo saaray shirkii ka socday Kampala

128

July 31 (Jowhar)-Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo waddamada ciidamada ku leh Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa ku heshiiyay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay laga codsado in muddo 18 ilaa 24 bilood ah loo kordhiyo taageerada howlgalka.

Go’aanka ayaa lagu gaaray shir ay magaalada Kampala ku yeesheen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo mas’uuliyiin ka kala socday Soomaaliya, Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Burundi iyo Masar. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sugidda amniga Soomaaliya, dagaalka Al-Shabaab, helitaanka maalgelin waarta iyo ka hortagga firaaq amni oo ka dhalan karta marka uu dhammaado taageerada Mareykanka ee AUSSOM dhammaadka sannadka 2026.

Warmurtiyeedka shirka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay dardargelinta dhismaha iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay mustaqbalka si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka. Shirka wasiirrada ayaa gogol-xaar u ah shir-madaxeedka madaxda dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka dhacaya Kampala.