Friday, July 31, 2026
Home NEWS Tirada Muhaajiriinta Marooko ee gudbaya Spain oo korortay

Tirada Muhaajiriinta Marooko ee gudbaya Spain oo korortay

32

July 31 (Jowhar)-Tirada dadka ka soo gudbaya Marooko una gudbaya Ceute oo ka mid ah dalka Spain ayaa gaartay lixdan kun oo ruux iyadoo inku dhow lixdan ruuxna ay ku dhinteen intii ay u soo socdeen Ceute.
Dowladda Isbaanishka ayaa xaqiijisay tirada dhimashada ee korortay fiidnimadii Jimcaha. Juan Jesus Vivas, oo ah madaxweynaha gobolkaas Isbaanishka ee ku yaalla Waqooyiga Afrika, ayaa u sheegay weriyeyaasha in 34 qof ay dhinteen, isagoon bixin faahfaahin ku saabsan sida ay u dhinteen.

Ra’iisul Wasaaraha Spain Pedro Sanchez, oo Jimcihii u safray Ceuta, ayaa sheegay in dowladdiisu ay abaabulayso dhammaan kheyraadka la heli karo si ay uga jawaabto xaaladda.

Sanchez wuxuu ku tilmaamay arrintan xadgudub madaxbannaanida dhuleed ee Spain, isagoo sheegay in mas’uuliyiintu ay dardar gelinayaan soo celinta dadka toddobaadkan soo gaaray.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Spain ayaa sheegtay in ilaa 25,000 oo qof laga soo celiyay Ceuta una soo laabteen Morocco ilaa Jimcihii.

Rachid Sbihi, oo hoggaamiya ururka shaqaalaha maxalliga ah ee matalaya saraakiisha Ilaalada Rayidka ee Ceuta, ayaa xaaladda ugu yeeray dhibaato bani’aadamnimo oo halis ah, isagoo sheegay in kumanaan muhaajiriin ah, oo ay ku jiraan carruur aan waalidkood la socon, ay seexanayeen waddooyinka, halka kuwa kalena ay dhex mushaaxayeen waddooyinka.

Spain ayaa hadda geysay ciidan si ay u xoojiyaan amniga Ceuta iyo magaalada kale ee la mataanka ah ee Melilla, halkaas oo sidoo kale la soo sheegay in habeenkii xalay ay soo galeen inta u dhaxaysa 300 ilaa 400 oo qof. Ceuta iyo Melilla waxay xiriir taariikhi ah oo Spain la leh soo wadeen tan iyo qarnigii 15-aad, waxaa ka jira heer xaddidan oo is-maamul ah tan iyo sanadkii 1995-tii.