Monday, August 3, 2026
Home NEWS Trump oo sheegay in wadahadalo cusub uu la yeelanayo Iran

Trump oo sheegay in wadahadalo cusub uu la yeelanayo Iran

37
2221165531

Aug 03 (Jowhar)- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in wadahadallo cusub oo lala yeelanayo Iran ay bilaaban doonaan maanta oo Isniin ah, ka dib markii uu joojiyay wax uu ku tilmaamay weerarro baaxad weyn oo lagu qaadi lahaa dalkaas.
Trump oo la hadlayay saxafiyiin xilli uu saarnaa diyaarada Air Force One ayaa sheegay in Iran ay ogeyd baaxada weerarka aan qorsheynay;

“Way ogaayeen baaxadda weerarka maadaama ay arkayeen diyaargarowgiisa,” “Waxaan kula jirnaa wadahadallo. Waxayna bilaabanayaan berri galab.”ayuu sii raaciyay

Qoraal uu horay ugu daabacay baraha bulshada ee Truth Social, Trump wuxuu ku sheegay in Iran iyo xulafada Mareykanka ee Bariga Dhexe ay ka codsadeen inuu hakiyo weerar kasta maadaama la isku raacay qodobada aasaasiga ah ee heshiiska.

Iran weli kama aysan jawaabin hadallada Trump. Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhowr jeer ballanqaaday in xal wadahadal lagu gaaro oo lagu soo afjarayo dagaalka uu dhow yahay, balse waxaa mar walba dib u bilaabanayay weerarro aargoosi ah oo labada dhinac ah.

Hadalladiisii uu ka jeediyay diyaaradda Air Force One, Trump wuxuu diiday inuu cayimo waqti kama dambays ah oo heshiis lala galayo Tehran, isagoo raaciyay: “Waan arki doonnaa sida ay wax u socdaan. Diyaar ayaan u nahay inaan tallaabo qaadno wakhti kasta oo aan rabno… Ma doonayo inaan dad dilo.”

Trump wuxuu intaas ku daray in Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya, Maxamed Bin Salmaan iyo sidoo kale xulafada Mareykanka sida Imaaraadka Carabta iyo Qatar ay ku boorriyeen inuusan qaadin weerarro intii lagu guda jiray dhammaadka toddobaadkii hore.

“Wax walba diyaar ayay noo ahaayeen,” ayuu yiri Trump. “Sababta ay u codsadeen waxay tahay inay aaminsan yihiin inuu jiro heshiis,” ayuu yiri. “Waxaa jira heshiis ku saabsan Hormuz, waxaana jiri doona heshiis ku saabsan arrinta nukliyeerka.”

Qiimaha saliidda adduunka ayaa hoos u dhacay saaka suuqyada Aasiya ka dib markii Trump uu shaaciyay warkan. Saliidda cayriin ee nooca Brent ayaa hoos u dhacday 4.5% iyadoo gaartay $83.98 (£62.26), halka saliidda lagu kala iibsado suuqyada Mareykanka ay hoos u dhacday 4.6% iyadoo gaartay $80.74 (£59.85).