Monday, August 3, 2026
Home NEWS Askar ku dhimatay qarax ka dhacay deegaan ka tirsan Puntland

Askar ku dhimatay qarax ka dhacay deegaan ka tirsan Puntland

38

Aug 03 (Jowhar)- Ugu yaraan 10 askari ayaa ku dhimatay kadib markii gaari ay saarnaayeen uu dul maray miino dhulka la geliyay deegaanka Sheebaab degmada Qandala dowlad goboleedka Puntland.

Qaraxa ayaa haleelay gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan daraawiishta Puntland, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in ay geeriyoodeen dhammaan askartii saarnayd gaarigaas.

Ma ahan markii ugu horreysay oo waddooyinka qarax loogu aaso ciidanka Puntland ee ku sugan buuraleyda Calmiskaad, marar badan ayaa qaraxyo khasaare kala duwan geystay ka dhaceen waddooyinka ay isticmaalayaan.

Ururka argagixisada ah ee Daacish oo sanadkii hore ee 2025 ayaa ku dhuumaaleysta buuraha Calmiskaad, iyaga oo mararka qaar gaysta weeraro qaxyo u badan.

Weerarkan ayaa ku soo beegmay xilli Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu magaalada Boosaaso kula kulmay saraakiil sare oo ka socotay Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), kuwaas oo ka wada hadlay iskaashiga amniga iyo howlgalada la dagaallanka kooxaha hubeysan ee waqooyi bari Soomaaliya.