Aug 03 (Jowhar)- Guddiga doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa guda galay shaqadooda, kaddib markii dhawaan la magacaabay.
Guddiga ayaa kulan ugu horreeyay la yeeshay Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Hab-dhowraha Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri).
Xubnaha guddiga ayaa intii uu kulanku socday si gacan-taag ah u doortay hoggaanka guddiga, waxaana Guddoomiyaha Guddiga Doorashada loo doortay Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.
Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka ayaa guddiga ugu baaqday inay si cadaalad, hufnaan iyo masuuliyad leh u gutaan waajibaadka loo igmaday, ayna si habsami leh u diyaariyaan doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.
Guddigan ayaa hadda bilaabay howlaha la xiriira diyaarinta iyo qabanqaabada doorashada Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.





