Aug 13 (Jowhar) Kulan kama dambays ah ayay maanta ku balansan yihiin guddiyada ka socda Villa Somalia iyo golaha samata bixinta. Ilo wareedyo ku dhaw kulanka ayaa soo sheegaya in tanaasul badan jiro taas oo suurta gal ka dhigaysa in ay heshiis gaaraan dhinacyadu.
Dhanka kale xubnaha mucaaradka ah waxaa soo gaaraya dalabyo ka imaanaya dhanka Puntland iyo Jubbaland oo ah in aysan aqbalin wax ” aan heshiis lagu wada ahayn”.
Xasan Sheekh iyo guddigiisa waxaa ka muuqata sida ay u xiisaynayaan in is faham la gaaro taas oo hoos u dhigi karta cadaadiska uga imaanaya beesha Caalamka.
Natiijada kulanka maanta ayaa go’aamin doonta sii socoshada iyo kala fogaanta labada dhinac.