Aug 08 (Jowhar)-Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, isaga oo xalay ka soo tagay magaalada Garoowe.
Siciid Cabdulaahi Deni Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa in uu Gaalkacyo kulamo kula yeesho saraakiisha amniga, maamulka labada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo uu kala hadli doono amniga iyo horumarinta gobolka.
Tagista Madaxweynaha Puntland ayaa kusoo beegmaya maalmo kadib markii ciidamada Puntland ay la wareegeen xeryihii Puntland ay ciidamadii PSF ku lahaayeen magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso, kaddib xiisad iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo muddooyinkii lasoo dhaafay ka jiray Puntland.
Dhanka kale, waxaa isbeddel ku yimid xaaladda ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugnaa Gobolka Mudug. Qaar kamid ah ciidamadaasi ayaa u gudbay dhanka Galmudug, halka ciidamo kale ay weli ku sugan yihiin deegaanno ka tirsan gobolka.
Sidoo kale, waxaa maanta dhammaaday muddadii laba maalmood ahayd ee ay Puntland u qabatay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan deegaannada Puntland, iyadoo loogu baaqay inay isu soo dhiibaan oo ay ku biiraan ciidamada Puntland.
Xaaladda Gaalkacyo iyo guud ahaan Gobolka Mudug ayaa hadda si weyn isha loogu hayaa, iyadoo kulamada Madaxweyne Deni iyo saraakiisha amniga lagu qiimeyn doono tallaabooyinka xiga ee la xiriira amniga, kala dambaynta iyo maamulka gobolk
Safarka madaxweyne Deni ee Gaalkacyo ayaa yimid, xilli labo maalin ka hor uu magaaladaas ka dhacay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo ciidamada PSF oo hadda ka tirsanaa dowladda federaalka Soomaaliya.Government policy analysis





