Sunday, August 9, 2026
Home NEWS Xuutiyiinta oo markale duqeyn ka geysatay Sacuudi Carabiya

Xuutiyiinta oo markale duqeyn ka geysatay Sacuudi Carabiya

52

Aug 09-(Jowhar)-Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay weerareen warshadda saliidda Jazan ee Sacuudi Carabiya laba maalmood ka dib markii boqortooyadu ay heshiis difaac la saxiixatay Turkiga iyo Pakistan.

Wasaaradda tamarta Sacuudiga ayaa sheegtay in dab uu ka kacay warshadda saliidda oo markii dambe la damiyay, iyada oo aan la sheegin waxa sababay dabka.

Hase yeeshee lama soo sheegin wax dhaawac ah oo ka dhashay weerarkan sida ay sheegtay dowlada sacudi carabiya.
Xuutiyiinta ayaa warshadda saliidda ku bartilmaameedsaday diyaarad aan duuliye lahayn, sida uu ku soo qoray barta X afhayeen u hadlay Xuutiyiinta.

Madaxa Aramco Amin Nasser ayaa toddobaadkii hore sheegay in weerarradii dhawaan lagu qaaday xarumaha shirkadda, oo ah dhoofinta saliidda ugu sarreysa adduunka, ay sababeen carqalado wax soo saar laakiin uu kalsooni ku qabo in hawlgallada si dhakhso ah loo soo celin karo.

Sida laga soo xigtay warbixin ka timid shirkadda la-talinta ee IIR oo ay aragtay wakaaladda wararka ee Reuters, 27-kii Luulyo, shirkadda Aramco ayaa xirtay warshadda sifeynta shidaalka ee Jazan — oo ku taal meel u dhow xadka Yemen — ka dib markii weerar ay qaadeen maleeshiyada Xuutiyiintu uu waxyeello u geystay qaybta warshadda ee loo yaqaan (IGCC) iyo goobta haamaha kaydka shidaalka.

Bishii hore, Xuutiyiinta ayaa ku dhawaaqay xayiraad dhanka badda ah oo ay saarayaan Boqortooyada Sacuudiga ee Badda Cas, taas oo jawaab u ahayd wax ay ku tilmaameen go’doomin uu Sacuudigu saaray Yemen; eedeyntaas oo ay Riyadh beenisay.