
Aug 15 (Jowhar)-Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu ku dhawaaqi doono in marinka Hormuz uu yahay dhul ay leedahay Mareykanka xilli maamulkiisu uu ku dhibtoonayo inuu soo afjaro dagaalka kala dhexeeya Iran.
Intii lagu guda jiray khudbad uu ka jeediyay machad tababar oo booliis oo ku yaalla Long Island, New York, maalintii Jimcaha, madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay inuu dhawaan u aqoonsan doono marinkaas biyaha ah oo ah marin istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah, kaas oo ay marayaan qiyaastii shan meelood meel (1/5) sahayda saliidda adduunka ee badda lagu qaado inuu yahay dhul Mareykanka ka tirsan.
Hadalkan ayaa yimid xilli wadahadallada nabadda ee Iran horumar laga gaari la’yahay ka dib markii ay fashilmeen wadahadalladii hore, iyadoo Tehran ay diiddan tahay inay dib u furto marinkaas, kaas oo gebi ahaanba xirnaa tan iyo markii Mareykanka iyo Israa’iil ay dagaal ku qaadeen Iran bishii Febraayo.
Iyadoo dagaalku uu socday ku dhawaad lix bilood, ma jiraan calaamado badan oo muujinaya in wadahadalladu ay dhawaan horseedi doonaan nabad, maadaama saraakiisha Iiraan ay sii wadaan inay diidaan dalabaadka Trump.
Mareykanka ayaa bilihii ugu dambeeyay xayiraad saarayay maraakiibta iyo dekedaha Iiraan isagoo isku dayaya inuu cadaadis dhaqaale saaro Tehran.
“Markaan ka adkaanno Iiraan, taas oo hadda si xun looga adkaanayo, waxaan dhawaan ku dhawaaqi doonaa in marinka Hormuz uu yahay dhul uu leeyahay Mareykanka,” ayuu Trump yiri maalintii Jimcaha. “Asal ahaan, sidaas ayay tahay. Waxaan haynaa xayiraadda. Ma jiro markab mari kara ilaa aan annagu rabno mooyee.”
Isagoo ka jawaabaya barta X (oo hore loo oran jiray Twitter), Kazem Gharibabadi, oo ah ku-xigeenka wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, ayaa sheegay in Tehran aysan ka cabsan doonin hanjabaadaha ama muujinta awoodda Mareykanka,wuxuuna ku daray in marinka Hormuz la furi doono ama la xiri doono oo kaliya marka ay Iiraan sidaas go’aansato.
Wareysi la daabacay Sabtidii, wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Abbas Araqchi ayaa sheegay in Iiraan aysan go’aansan inay dib u billowdo wadahadallada Mareykanka, isla markaana farriimaha la is-dhaafsanayo iyadoo loo marayo Qatar iyo Pakistan aysan u dhigmin wadahadallo rasmi ah, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.
Qiimaha shidaalka ayaa si weyn u kacay tan iyo markii uu dagaalku billowday, taasoo ku qasabtay dadka Mareykanka ah ee shaqeysta inay lacag aad uga badan ku iibsadaan shidaalka.
Muddo lix bilood ah, maamulka Trump ayaa si joogto ah u sheeganayay guul laga gaaray dagaalka, iyagoo ku doodaya in xukuumadda Iran ay codsanayso heshiis.
Tehran ayaa ku adkaysanaysay dalabaadkeeda, iyadoo dhawaan, Sabtidii la soo dhaafay, sheegtay inaanay dib u furi doonin marinka Hormuz ilaa iyo inta Mareykanku saxayo dhaqankiisa,”magdhow buuxa ka bixinayo khasaaraha dagaalka ee soo gaaray Iran, qaadayo cunaqabataynta, isla markaana shuruud la’aan ku sii daynayo hantida la xayiray.




