Sunday, August 16, 2026
Home NEWS NISA oo sheegtay inay Howlgalo ka fulisey deegaanka Warciise ee gobolka Sh/dhexe

NISA oo sheegtay inay Howlgalo ka fulisey deegaanka Warciise ee gobolka Sh/dhexe

148

Aug 15 (Jowhar)- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka, ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaanka Warciise, oo 25 KM u jira magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

War Saxaafadeed ka soo baxay NISA ayaa lagu shaaciyay in howlgalkan lagu dilay sagaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, oo ay ku jireen laba horjooge.

“Horjoogeyaasha howlgalka lagu dilay ayaa kala ahaa Axmed Cali Jimcaale, oo ahaa horjoogihii Khawaarijta ugu magacawnaa degmada Jowhar, iyo Geedi Maxamed Nuur Cadde, oo ahaa horjoogihii kooxda ee deegaannada Dumaaye iyo Dabagaalo.

Labadan horjooge ayaa muddo lagu daba jiray xogtooda iyo dhaq-dhaqaaqyadooda.”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.
War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in 7 kamid ah xubnihii ka tirsanaa Alshabaab ee lagu diley War Ciise ay ka tirsanaayeen Xisbada Alshabaab.

Halkan hoose ka aqriso war saxaafadeedka ka soo baxay NISA;