Monday, August 17, 2026
Home NEWS Dagaal xoog leh oo ka qarxay magaalada Baydhabo

Dagaal xoog leh oo ka qarxay magaalada Baydhabo

0

Aug 17 (Jowhar)-Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegay in dagaal qaraar uu aroornimadii saaka ka bilowday xaafado kamid ah magaalada kadib markii ay jihooyin kala duwan ayka soo galeen ciidamo daacad u ah Madaxweyniii hore ee Koofurgabeed Cabdicasiis Laftagareen.

Dagaalka ayaa weli ka socda qaybo ka mid ah magaalada, iyadoo xaaladda amni ay tahay mid aad u kacsan, waxaana la maqlayaa rasaas iyo dhawaqa hub culus.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya ciidamo la sheegay inay taabacsan yihiin Laftagareen oo ku sugan gudaha magaalada Baydhabo. Sidoo kale, Ugaas Xasan iyo Wasiirkii hore Xasan Cabdiqaadir ayaa sheegay in ciidamadoodu ay la wareegeen magaalada Baydhabo.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Koofurgalbeed ee uu hogaamiyo Sheekh Aadan Madoobe.