Wednesday, August 19, 2026
Home NEWS Madaxweyne Xasan oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjirayaal cusub

Madaxweyne Xasan oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjirayaal cusub

47

Aug 19 (Jowhar)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada Qaranka warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay safiirro cusub oo ka socday Toddobo dal.
Safiirrada cusub ee Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ka guddoomay warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah:
1-Danjire Mohamed Alim – Aljeeriya
2-Danjire Joao Alfredo Dos Anjos – Brazil
3-Danjire Dr. Adarsh Swaika – Hindiya
4-Danjire Dr. Madou Diallo – Mali
5-Danjire Aung Min Oo – Myanmar
6-Danjire Danlami Ibrahim – Nigeria
7-Danjire Aqsa Nawaz – Pakistan

Madaxweynaha ayaa Danjireyaasha ka dhageystay warbixinno ku saabsan qorsheyaashooda iyo mudnaantooda ku aaddan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka ay matalaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safiirrada cusub u rajeeyay in muddada ay xilalkooda hayaan ay kaalin wanaagsan ka qaataan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee Soomaaliya iyo dalalkooda, gaar ahaan dhinacyada iskaashiga siyaasadeed, dhaqaalaha, horumarinta, amniga iyo arrimaha bulshada.

Dhankooda, safiirrada cusub ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay farriimo iyo salaan ay ka sideen madaxda dalalkooda, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay ka shaqeynta horumarinta xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya iyo dalalka ay matalaan.