Wednesday, August 19, 2026
Home NEWS Guddoomiye Cabdi Xaashi oo shir guddoomiyay kulanka guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo shir guddoomiyay kulanka guddiga Joogtada Aqalka Sare

18

Aug 19 (Jowhar)- DGuddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta ajandayaasha mudnaanta u leh fadhiyada Golaha, qaabaynta hadal-qoraallada fadhiyada Guddiga iyo xoojinta hannaanka isla-xisaabtanka iyo gudashada waajibaadka hay’adaha dowladda. Waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde).

Guddoomiyeyaasha Guddiyada Aqalka Sare ayaa soo jeediyay aragtiyo la xiriira habraacyada korjoogteynta iyo isla-xisaabtanka, iyo sidii loo xoojin lahaa kaalinta Guddiyada ee gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la dhaqan-geliyo talooyinka wax-ku-oolka ah ee ay soo jeediyeen xubnaha Guddigu, lana dardargeliyo howlaha korjoogteynta iyo isla-xisaabtanka. Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay ilaalinta waqtiga shaqada iyo soo-xaadirista xubnaha Golaha, si waajibaadka loo igmaday si hufan oo masuuliyad leh loo guto.