Thursday, August 20, 2026
Home NEWS Doorashada Hirshabelle oo markale dib u dhac ku yimid

Doorashada Hirshabelle oo markale dib u dhac ku yimid

39

Aug 20 (Jowhar)- Guddiga Doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay in dib u dhac kooban lagu sameeyay doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee maamulka Hirshabeelle.

Doorashooyinka ayaa horay loo qorsheeyay in aysan dhaafin 20-ka Agoosto 2026, balse Guddiga ayaa sheegay in dib u dhaca uu yimid kadib markii loo baahday in la dhammaystiro hawlo muhiim ah oo la xiriira diyaar-garowga doorashada.

Guddiga ayaa sheegay in hawlaha u baahan in la dhammaystiro ay kamid yihiin diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee afar degmo oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, iyadoo sidoo kale ururrada siyaasadda loo siinayo waqti ay ku abaabulaan taageerayaashooda iyo inay soo gudbiyaan liisaska musharraxiinta.

Sida uu Guddigu sheegay, muddo laba toddobaad gudahood ah ayaa lagu soo bandhigi doonaa jadwalka cusub ee doorashada iyo waqtiga rasmiga ah ee ay doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka Hirshabeelle qabsoomi doonaan.

Screenshot