Aug 23 (Jowhar)-Dowladda Maraykanka ayaa xayiraadda Fiisaha ka qaadday Baasaboorka Soomaaliya kaddib markii go’aankaas uu ku dhawaaqday Garsoore Janet Vargas oo tallaabo sharci darro ah kana hor imaanaysa Nidaamka Federaalka ku tilmaamtay arrintaas.
Garsoore Janet Vargas ayaa Jimcihii 21-kii Agoosto baabi’iyay siyaasadda maamulka Donald Trump ee hakisay fiisooyinka muwaadiniinta 75 waddan, oo ay ku jirto Soomaaliya.
Garsooraha ayaa sheegay in siyaasaddani ay ka baxsan tahay awoodda sharciga ah ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio.
Garsooraha Maxkamadda Degmada Mareykanka ee Manhattan, Janet Vargas, ayaa sheegtay in siyaasaddan, oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu soo saartay bishii Janaayo, ay tahay mid “si cad u baalmarsan sharciga” isla markaana ka hor imanaysa sharciga federaalka ee socdaalka.
Waxay sheegtay in Xoghayaha Arrimaha Dibaddu uusan lahayn awood uu ku farageliyo habka bixinta fiisooyinka dadka u soo guuraya Maraykanka ee ay maamulaan saraakiisha qunsuliyadaha.





