Aug 23 (Jowhar)-Boqolaal qoys oo ku noolaa xaafado ka mid ah degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqisho ayaa ka barakacy guryahooda kadib markii ciidamada dowladda Federaalka ay howlgal burburin ah ka bilaabeen guryihii ay degenaayeen.
Hal ruux ayaa la xaqiijiyay inuu geeriyooday halka dhowr kalana ay ku dhaawacmeen kadib markii iska horimaad uu dhexmaray ciidamada ammaanka iyo dadka deegaanka, kaddib markii shacabka ay ka mudaharaadeen howlo la sheegay in guryo looga saarayo dadka ku nool xaafadda Tookiyo iyo nawaaxigeeda.
Muuqaal si weyn loogu faafinayo baraha bulshada ayaa sidoo kale muujinaya askari ka tirsan ciidamada dowladda oo rasaas ku ridaya qof rayid ah, xilli haweeney si cabsi iyo murugo leh uga baryeysa inuusan dilin wiilkeeda.
Dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay dowladda in xoog loo adeegsanayo arrimaha dhulka, iyagoo sheegay in dhulka qaar ay leeyihiin dad si sharci ah u deganaa, islamarkaana halkaasi ay ka guuraan.
Waxaa sidoo kale jira eedeymo sheegaya in qaar ka mid ah dhulalkan ay ganacsato la wareegeen, iyadoo dadka deegaanka ay ku andacoonayaan in dhulka loo doonayo in si degdeg ah loo kala iibsado.
Dowladda Federaalka ayaa horey u sheegtay in tallaabooyinka laga qaadayo dhulalka ay yihiin kuwo la xiriira ilaalinta iyo dib u soo celinta dhulka danta guud, halka dadka deegaanka iyo qaar ka mid ah dadka ay saameysay howlgalladu ay arrinta ku tilmaamayaan barakicin iyo boob dhul.
Dhacdadan ayaa kusoo aadaysa xilli muranka dhulka iyo duminta guryaha ee Muqdisho uu sii xoogeysanayo, iyadoo shacabka ku nool degmooyinka kala duwan ay walaac ka muujinayaan in laga raro guryahooda.





