Sunday, August 23, 2026
Home NEWS Dowlada Soomaaliya Iyo Britain oo ka wadahadlay iskaashiga amniga

Dowlada Soomaaliya Iyo Britain oo ka wadahadlay iskaashiga amniga

30

Aug 23 (Jowhar)-Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Danjire Charles King.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda amniga dalka, howlgalada socda ee ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish, iyo xoojinta taageerada Boqortooyada Ingiriiska ay siiso hay’adaha amniga Soomaaliya.

Wasiirka iyo Danjiraha ayaa sidoo kale ka wada hadlay mowduucyo kala duwan iyo xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga, si loo yareeyo khatarta kooxaha argagixisada ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale Boqortooyada Ingiriiska uga mahadceliyey taageerada iyo garab-istaagga ay siiso Soomaaliya.

Kulanka ayaa qeyb ka ah wadatashiyada joogtada ah ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Ingiriiska ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada, horumarinta awoodda ciidamada iyo xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka.