Aug 25(Jowhar)-Ganacsato u dhalatay dalka Shiinaha ayaa maanta soo gaaray Muqdisho si ay uga qeybqaataan Shirweynaha Xiriirinta Ganacsiga Soomaaliya iyo Shiinaha oo berri furmi doona.
Wafdiga waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha, Danjire Hodan Osman Abdi, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
Shirweynahan ayaa isu keeni doona Ganacsatada, maalgashadayaasha, shirkadaha iyo Wakiillada dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha, si ay uga wada hadlaan fursadaha Ganacsi, maalgashi iyo iskaashi, isla markaana loo abuuro xiriirro Ganacsi oo toos ah iyo fursado cusub oo Ganacsi oo u dhexeeya labada dal.
Xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Soomaaliya Iyo Shiinaha ayaa sanadihii la soo dhaafay sii kordhayay iyadoo la filayo in dhawaan uu bilowdo ganacsi dhinaca kalluumeysiga ee labada dal.





