Tuesday, August 25, 2026
Home NEWS Haweeney 101 sano ah oo lagu eedeeyay inay ka ganacsato daroogada oo...

Haweeney 101 sano ah oo lagu eedeeyay inay ka ganacsato daroogada oo lagu xirey Nigeria

36

Aug 25(Jowhar)-Haweeney da’ ah, oo ay mas’uuliyiintu sheegeen inay jirto 101 sano, ayaa lagu xiray dalka Nigeria iyadoo lagu eedeeyay inay iibinaysay maandooriyaha xashiishada.

Esther Ogunmabo  ayaa lagu qabtay gobolka Ogun ee koonfur-galbeed dalka, sida ay shaacisay Hay’adda Qaranka ee Dhaqan-gelinta Sharciga Maandooriyaha (NDLEA).

Agaasimaha warbaahinta ee hay’adda NDLEA Femi Babafemi,   ayaa sheegay in haweeneydan oo boqol sano ka badan jirta laga helay baakado yaryar oo ah nooca xashiishadda loo yaqaan skunk, kuwaas oo miisaankoodu yahay 90 garaam, waxayna sheegatay inay ka iibin jirtay dadka deegaanka.

NDLEA waxay sheegtay in haweeneyda la tuhunsan yahay ay u sheegtay baarayaasha inay u jeesatay ganacsiga sharci-darrada ah ee maandooriyaha ka dib markii dab uu baabi’iyay dukaan ay ku iibin jirtay raashinka iyo alaabta daruuriga ah. Balse waxaa lagu sii daayay dammaanad.

Sida ay sheegtay NDLEA, mid ka mid ah gabdhaheeda oo ku nool magaalada Lagos ayaa la sheegay inay u soo diri jirtay maandooriyahan afartii maalmoodba mar. Ogunmabo ayaa lagu eedeeyay inay markaas dib u iibin jirtay xaddiyo yaryar oo ka mid ah maandooriyahaas, iyadoo ka iibinaysa macaamiisha ku nool deegaankeeda.

Madaxa fulinta ee NDLEA, Mohamed Marwa, ayaa amar ku bixiyay in haweeneyda la tuhunsan yahay lagu sii daayo dammaanad, isla markaana la siiyo talo-siin iyo daryeel ku habboon da’deeda weyn.

Xaaladda dammaanadda ee Ogunmabo waxay ka dhigan tahay in weli lagu soo oogi karo dacwad la xiriirta fal-dembiyeed. Sidoo kale gabadheeda ayaa la xiray.

Xariga Ogunmabo ayaa ku soo beegmay xilli hay’adda NDLEA ay sidoo kale warbixin ka bixisay qabashada xaddi badan oo daroogo ah oo lagu qabtay dalka Nigeria.