Monday, September 7, 2026
Home NEWS Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam...

Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air

218

Sept 06 (Jowhar)- Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Faarax Nuux, ayaa si buuxda uga raalli-galiyey maamulka iyo shaqaalaha Shirkadda Duulimaadka ee Salam Air dhacdadii gacan-qaadka iyo hab-dhaqankii aan habboonayn ee loo geystay mid ka mid ah shaqaalahooda.

Wasiirka ayaa si cad u cambaareeyey fal kasta oo wax u dhimaya karaamada, sharafta, iyo badqabka shaqaalaha diyaaradaha iyo guud ahaan dadka ka shaqeeya garoomada dalka. Wuxuu hoosta ka xariiqay in hab-dhaqankaas uusan ka tarjumayn nidaamka iyo asluubta Dawladnimo ee Soomaaliya.

Si looga fogaado in falalkan oo kale ay mar kale soo laabtaan, Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada waxay xaqiijinaysaa:

Tallaabooyin Sharci ah: In ay qaadi doonto tallaabooyin adag oo ku habboon oo laga qaadayo cid kasta oo ku lug lahayd falkaas.

Badqabka Garoomada: In kor loo qaadi doono nidaamka ilaalinta iyo nabadgelyada shaqaalaha shirkadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka hawlgala dalka.

Ixtiraamka Wada-shaqaynta: In la dhawri doono heshiisyada iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Wasaaradda iyo shirkadaha duulimaadka ee u adeega shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaraddu waxay mar kale u xaqiijinaysaa Shirkadda Salam Air iyo dhammaan shirkadaha kale ee duulimaadka in si buuxda loo dammaanad-qaaday ammaankooda iyo sharaftooda inta ay ku guda-jiraan gudashada waajibaadkooda shaqo.