Tuesday, September 8, 2026
Home NEWS Wasiirada Arrimaha Dibbada Soomaaliya iyo Masar oo ka wadahadlay xiriirka labada dal

Wasiirada Arrimaha Dibbada Soomaaliya iyo Masar oo ka wadahadlay xiriirka labada dal

17

08-(Jowhar)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Cabdisalaan Cali , ayaa kulan ku saabsan sii xoojinta xiriirka labada dal la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar Badr Abdelatty.
Kulanka ayaa dhacay intii uu socday Kalfadhiga 166-aad ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyo sidoo kale xaaladaha iyo horumarrada gobolka.

Waxay laba masuul mar kale carabka ku adkeeyeen sida ay uga go’an tahay ilaalinta qarannimada, midnimada iyo madax bannaanida siyaasadeed ee labada dal, iyo inay is garab istaagaan marka la joogo matalaada fagaarayaasha caalamiga ah.