Okt 28 (Jowhar)- Kooxda Xuutiyiinta ee Ansar Allah ee dalka Yemen ayaa ku dhawaaqday inay bartilmaameedsadeen Wasaaradda Difaaca Sacuudiga oo ku taal caasimadda Riyaad.
Afhayeenka kooxda, Yahya Saree, ayaa sheegay in weerarka loo adeegsaday gantaal baalistik ah, isla markaana uu si toos ah u haleelay bartilmaameedka.
Hase yeeshee, mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa horraantii maalintii Talaadada ku dhawaaqay in difaaca boqortooyadu uu qabtay, isla markaana burburiyay, laba gantaal oo nooca ridada dheer ah (ballistic missiles) ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedyadooda.
Wakaaladda Wararka ee rasmiga ah ee Sacuudiga ayaa xigatay Difaaca Madaniga ah ee Boqortooyada aya oo leh “qashin ka dhashay qabashada laba gantaal oo ballistic ah oo ay soo rideen Xuutiyiinta ayaa sababay burbur hantiyeed oo ka dhacay caasimadda Riyadh.
Ka dib duhurnimadii Talaadada, mas’uuliyiinta difaaca madaniga ah ayaa soo saaray digniin ku saabsan weerar cirka ah oo ka dhacay caasimadda Sacuudiga, weriye ka tirsan AFP oo ku sugan Riyaad ayaa soo sheegay in qaraxyo la maqlay.
Mar sii danbeeysay, Xuutiyiintu waxay ku dhawaaqeen inay diyaarad aan duuliye lahayn ku weerareen garoonka diyaaradaha ee Abha, oo ku yaalla koonfur-galbeed ee Sacuudi Carabiya.
Kooxda ay Iiraan taageerto ayaa horay u shaacisay maalintii Talaadada inay bartilmaameedsatay laba diyaaradood oo ciidan oo loogu talagalay gaadiidka, kuwaas oo ku sugnaa koonfurta Sacuudi Carabiya: “midda koowaad oo ku jirtay garoonka diyaaradaha ee Najran iyo tan labaadna oo ku jirtay Saldhigga Cirka ee Boqor Khaalid ee ku yaalla Khamis Mushait.
Markaasi ka hor, kooxda Xuutiyiinta ayaa sidoo kale shaacisay inay bartilmaameedsadeen xarunta sifeynta shidaalka ee Ras Tanura oo ku taal bariga Sacuudiga, iyagoo adeegsanaya “gantaal ballistic ah, kaas oo sababay in goobta uu dab ka kaco,” sida uu sheegay afhayeenka kooxda.


