Okt 28 (Jowhar)- Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) iyo Booliiska Soomaaliyeed ayaa howlgal ay si wadajir ah uga fuliyeen xaafadda KPP ee degmada Hodan, magaalada Muqdisho, ku soo qabtay Xasan Nuur Muuse, oo loo yaqaan Makane iyo Cali Sabti, kaas oo lagu eedeeyay inuu qorsheynayay inuu fal amni-darro ah ka geysto caasimadda.
War-saxaafadeed ka soo baxay NISA ayaa lagu sheegay in ciidamada Ilaalada Shacabka ee hay’adda, kuwaas oo u tababaran ka hortagga falalka amni-darrada, ay dareemeen dhaq-dhaqaaqa ninkan, kaddibna ay bilaabeen howlgal lagu soo qabanayo.
Sida lagu sheegay warka, eedeysanaha ayaa isku dayay inuu baxsado markii ay ciidamada amniga dareemeen dhaq-dhaqaaqiisa, isaga oo sidoo kale iska tuuray bam-gacmeed uu watay. Hase yeeshee, ciidamada ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan isaga oo badqaba.
NISA ayaa sheegtay in soo qabashada Xasan Nuur Muuse ay muujinayso feejignaanta ciidamada amniga iyo dadaallada ay ugu jiraan ka hortagga falalka lagu waxyeelleyn karo shacabka Soomaaliyeed.
Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in howlgallada amni ee ka socda Muqdisho iyo guud ahaan dalka ay sii socon doonaan, iyadoo ujeeddadu tahay in laga hortago weerarrada maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish, isla markaana aan loo oggolaan inay ku dhex dhuuntaan bulshada.
War-saxaafadeedka ayaa farriin digniin ah loogu diray dadka lagu tuhunsan yahay inay maleegayaan falal amni-darro, iyadoo NISA ay xustay inay mudnaanta siinayso sugidda amniga iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, hay’adda ayaa ugu baaqday muwaadiniinta Soomaaliyeed inay la wadaagaan xog kasta oo la xiriirta khataraha amni iyo dhaqdhaqaaqyada maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish.


