U gudub nuxurka
Axad, 15 Nofembar 2026 5 Jumaadal Aakhira 1448
Waqtiyada salaadda: Muqdisho
  • Subax
  • Duhur
  • Casar
  • Maqrib
  • Cishe
1 USD = 572 SOS
Hadalhaynta U.S Trump Talks Strike Cop31 Warns

RW Xamsa oo booqday Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda oo dib loo habeeyey

RW Xamsa oo booqday Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda oo dib loo habeeyey Wararka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho ku sameeyay xarunta Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, oo dhawaan lagu sameeyay dib-u-dhis iyo casriyeyn, laguna soo kordhiyay qaybo cusub oo loogu talagalay horumarinta adeegyada Isgaarsiinta iyo Boostada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa booqday qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay Wasaaraddu, iyada oo halkaas lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradda, siyaasadaha lagu hagayo iyo dadaallada ay ugu jirto hirgelinta nidaam casri ah oo dijitaal ah, kaas oo kor u qaadaya adeegyada isgaarsiinta dalka.

Warbixinta Wasaaradda ayaa lagu soo bandhigay qorshayaal iyo mashaariic muhiim ah oo ay ka mid yihiin dib-u-soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Ururka Boostada Adduunka (UPU), iyo mashruuca isku-xirka dijitaalka ee dalalka Bariga Afrika, kaas oo ujeeddadiisu tahay horumarinta is-dhexgalka suuqa dijitaalka ee gobolka iyo kordhinta helitaanka adeegyada isku-xirka ballaaran ee internet-ka (Broadband).

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in u-guuridda nidaamka dijitaalka ah ay tahay isbeddel muhiim ah oo dalka ka socda, isla markaana ay lagama maarmaan tahay in Wasaaraddu ay yeelato awood farsamo iyo shaqaale ii u diyaarsan ka jawaabidda baahiyaha iyo caqabadaha ka dhasha horumarka teknoolojiyadda.

Mudane Xamsa, waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo nidaamka isgaarsiinta dalka, lana helo hannaan isku xiran oo lagu maareeyo adeegyada internet-ka iyo isgaarsiinta, si loo yareeyo khataraha dhanka amniga dijitaalka ah, loona xaqiijiyo adeegyo ammaan ah oo la isku halleyn karo.

Sidoo kale, waxa uu xusay muhiimadda ay leedahay in la helo nidaam internet oo dowladdu maamusho ama bixintiisa ay ku jirto hannaan mideysan oo dowladdu hagto, si loo xoojiyo amniga, loona ilaaliyo xogta iyo kaabeyaasha muhiimka ah ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale bogaadiyay habsami-u-socodka shaqada iyo bilicda xarunta Wasaaradda, isaga oo tilmaamay in goob shaqo oo hagaagsan ay dhiirrigeliso shaqaalaha, korna u qaaddo hufnaanta iyo wax-soo-saarka shaqada.

Warar Dheeraad ah