Aug 23 (Jowhar)-Loolan adag oo maanta ka dhici doono magaalada Laascaanood, maadaama doorashada Guddonka Baarlamanka Waqooyi Bari ay ku loolamayaan Firdhiye iyo Mucaaradka.
Sida xoguhi tilmaamayaan, Firdhiye ayaa Guddonka Baarlamanka u dhisaya Dr Adan oo kaso jeeda deeganka Ari-Cadeeye.
Geesta kale mucaaradka aya Guddomiye u dhisaya Eng C/qafar Dheliye oo kaso jeda Laascaanod, Sool.
Isku soo wada duubo doorashada maanta aya ififaalo u noqon karta cida ku awood badan Baarlamanka muxaafidka iyo isbahaysiga mucaaradka.
Shan musharax ayaa u taagan xilka gudoonka baarlamaanka, laba musharax waxey isku heystaan gudoomiyaha, laba a kuxigeenka koowaad, iyadoo hal musharax uu u tartamaya gudoomiye xigeenka 2-aad ee baarlamaanka Waaooyi Bari.