U gudub nuxurka
Isniin, 23 Nofembar 2026 13 Jumaadal Aakhira 1448
Waqtiyada salaadda: Muqdisho
  • Subax
  • Duhur
  • Casar
  • Maqrib
  • Cishe
1 USD = 571 SOS
Hadalhaynta Trump U.S Russian Gaza Summit Cop31

Madaxweyne Xasan oo Booqasho Shaqo ku Tagaya Dalka Uganda

Madaxweyne Xasan oo Booqasho Shaqo ku Tagaya Dalka Uganda Wararka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho shaqo oo hal maalin ah ku tagaya dalka Uganda, halkaas oo uu kulan kula yeelan doono dhiggiisa dalkaas, Madaxweyne Yoweri Museveni.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlaya xoojinta xiriirka labada dal, amniga Gobolka, Dhaqaalaha, arrimaha AUSSOM iyo qorshaha kala guurka ah ee Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ay kula wareegayaan amniga dalka.

Booqashada Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oow ku tadaayo ayaa waxeey ku soo aaday iyada oo Ciidanada Soomaaliya ee Gorgor aay goobo badan oo aay ka baxeen AUSSOM aay buuxiyeen .

More News