Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

0
334

Aug 24 (Jowhar) Qarax miino ayaa saaka ka dhacay xaafada suuqa xoolaha, gaar ahaan meel ay ciidanka NISA ku leeyihiin barkontrol.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu sababay dhimashada hal ruux oo ahaa nin oday ah oo wadada marayay, meydkiisana uu weli yaallo goobta.

Sidoo kale, labo askari oo ka tirsan ciidamada NISA ayaa ku dhaawacmay qaraxa, waxaana la tilmaamay in dhaawacyadoodu yihiin kuwo culus (garaab).

Ciidamada amniga ayaa durbadiiba xiray aagga qaraxa, iyagoo bilaabay baaritaanno ku saabsan cida ka dambeysa.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, balse falalka noocan ah waxaa looga bartay kooxda Al-shabaab.