Madasha Samata-bixinta oo si kulul uga hadlay xarriga nabadoon Xuseen Xaadoole

0
190

Aug 28 (Jowhar)- Madasha Samatabixinta ayaa si adag u cambaareysay xarigga loo geystay Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud Xaadoole oo ciidanka  booliska xalaywateen isagoo ku sugnaa hoygiisa.

War-saxaafadeed ka soo baxay madasha ayaa lagu sheegay in Nabaddoon Xaadoole uu ahaa oday dhaqameed saameyn weyn ku leh bulshada, isla markaana codkiisa ku difaacay hantida shacabka Soomaaliyeed.

Waxey sheegeen in Nabaddoonku uu si nabadeeduu ugu muujiyay aragtidiisa ku aadan boobka iyo xaraashka dhulka danta guud ee ay hormuudka ka tahay dowladdu, taas oo uu ugaga soo horjeestay si geesinimo leh.

Madasha Samatabixinta ayaa ku tilmaamtay xariggan “isku day lagu caburinayo codka shacabka iyo handadaad lagula kacayo cid kasta oo difaacda xuquuqaha dastuuriga ah ee muwaadiniinta.”

Qoraalka ayaa si gaar ah loogu eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo lagu sheegay in xarigga uu muujinayo dulqaad yaridiisa iyo baqdinta uu ka qabo codka shacabka.

Madashu waxay ku baaqday in si degdeg ah xorriyaddiisa loogu soo celiyo Nabaddoon Xaadoole, isla markaana Madaxweyne Xasan Sheekh uu u joojiyo xaraashka dhulka danta guud. Sidoo kale waxay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ku nool Muqdisho, ugu yeereen inay isigu soo baxaan oo codkooda si geesinimo leh u cabbiraan, si loo badbaadiyo hantida shacabka loogana hortago barakicinta dadka danyarta ah.