Soomaliya iyo Turkiga oo wada hadal ka yeeshay xiriirka labada dal

0
195

Sep 02(Jowhar)-Dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kulan gaar ah ka yeeshay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Turkidu u laba jibaari lahaayeen taageerada ay u fidiyaan dalka.

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa bartiisa X ku sheegay inuu kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Turkiga, Nur Yilmaz oo ay ka wada hadalkeen xiriirka labada dal.

Cali Balcad wuxuu uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, laga soo bilaabo gurmadka bani’aadannimo, amniga iyo horumarinta, ilaa iskaashiga dhaqaale ee hadda socda.