Ra’iisul wasaaraha UK oo isku shaandheyn ku sameeyay wasiiradiisa

0
137

Sep 06(Jowhar)-David Lammy ayaa loo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka cusub, isagoo beddelay Angela Rayner, kadib markii Ra’iisul Wasaare Keir Starmer dib-u-habeyn ku sameeyay golihiisa wasiirrada.

Lammy waxaa sidoo kale loo magacaabay Wasiirka Caddaaladda, halka Yvette Cooper loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda, waxaana xilkii ay hore u heysay ee Wasiirka Arrimaha Gudaha la wareegtay Shabana Mahmood.

Isbeddelkan ayaa yimid saacado gudahood kadib markii Angela Rayner ay iska casishay jagooyinkii ay ka haysay dowladda, oo ay ku jirto Ra’iisul Wasaare ku-xigeen, Wasiirka Guryeynta, iyo ku-xigeenka hoggaamiyaha xisbiga Labour.

Rayner ayaa tallaabadan qaaday kadib markii la ogaaday in aysan ku filnayn bixinta canshuurta ku saabsan guri ay ku lahayd magaalada Hove, East Sussex.

Xildhibaanadda Ashton-under-Lyne ayaa hore ugu gudbisay la-taliyaha anshaxa ee Ra’iisul Wasaaraha, kadib markii ay qiratay in ay si khaldan u bixisay canshuurta stamp duty (nooc canshuur ah oo lagu soo rogo iibsashada guryaha ama dhulalka gudaha UK ee ku saabsan gurigeeda oo ku kacayay £800,000.

Warbixinta anshaxa ayaa xaqiijisay in Rayner ay jebisay xeerka wasiirrada, isla markaana aysan tixgelin digniintii sharci ee loo soo jeediyay. Warqadda iscasilaadda, Rayner waxay ku sheegtay inay si buuxda u qaadaneyso mas’uuliyadda khaladkii dhacay.

Ra’iisul Wasaare Keir Starmer ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay in waqtigeedii xukuumadda uu soo dhammaaday, balse wuxuu ku daray in Rayner ay weli ahaan doonto shaqsi weyn oo saamayn ku leh xisbiga Labour.