Madaxweyne Xasan oo la kulmay madaxweynayaasha Kenya iyo Jabuuti

0
246

Sep 09(Jowhar)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayey Shirweynaha 2aad ee Cimilada Afrika ayaa kulan doceedyo la qaatay Madaxweyneyaasha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Madaxwayynaha Kenya Mudane William Ruto.

Madaxweynaha ayaa kulammadan uu la qaatay hoggaamiyeyaasha gobolka waxa uu kala hadlay iskaashiga dagaalka ka dhanka ah argagixisada, xoojinta nabadda iyo adkaynta xiriirka labo geesoodka ah.

Madaxweynaha ayaa mas’uuliyiintan warbixin kasiiyay xaaladda dalka iyo dagaalka dowladiisa ay kula jirto kooxda Al-Shabaab.

Madaxda wadanada Kenya iyo Jabuuti ayaa dhankooda madaxweyne Xadan u ballan qaaday iney sii laba jibaarayaan taageerada dowladda Soomaaliya ay siiyaan.