Khikaaf diblomaasiyadeed oo ka dhex qarxay safiirada Soomaaliya ee Kenya iyo Tanzania

0
71

Sep 11(Jowhar)-Ismaandhaaf xoogan oo ku salaysan awoodaha shaqo ayaa ka dhex qarxay Safaaradaha Soomaaliya ee dalalka Kenya iyo Tansaaniya.

Muranka ayaa salka ku haya safar uu dhawaan ku tagay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo, Danjiraha Soomaaliya u jooga Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle.

Safarka oo ahaa mid GANACSI, ayaa si wayn looga hadal hayay gudaha dalka, waxaana si toos ah u shaacisay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Tansaaniya.

Labada Danjire ee Dar es Salaam iyo Nairobi ayaa murankooda hoos u xallin waayay, waxayna hadda isaga jawaabayaan baraha bulshada.

Khilaafkan ayaa muujinaya is-afgaranwaa ku saabsan cidda dowladda federaalka Soomaaliya u xilsaaran danaha dalka Soomaaliya ee DRC.  Wasaaradda arrimaha dibadda DFS oo ay ka tirsan yihiin safaaradahan ayaa weli ka hadlin khilaafka ka dhextaagan labada safaaradood