Shir looga hadlayo weerarkii Israel ee Qatar oo Doxa ka furmaya iyo Soomaaliya oo ka qeyb galeyso

0
107

Sep 14(Jowhar)-Magaalada Dooxa ee caasimadda Qadar waxaa maanta ka furmaya shir-wadaagga gogol-xaarka ah ee Wasiirrada Arrimaha Dibadda dalalka xubnaha ka ah ururrada Jaamacadda Carabta iyo Iskaashiga Islaamka, oo ujeedkiisu daaranyahay isku-duwidda mowqifyada iyo dejinta ajandaha shir-madaxeedka deg-degga ah ee madaxda iyo hoggaamiyeyaasha carbeed ay iskugu imaanayaan oo lagaga hadlayo duqeymaha cirka ee Israa’iil ka geysatay Qadar.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta, Jamaal Rushdi, ayaa sheegay in shirka Dooxa uu xambaarsan yahay farriin ku aaddan midnimo buuxda oo ay la leeyihiin Qatar.

Rushdi ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Qatar ee (QNA) in shir madaxeedkan ugu horreyn looga hadli doono cawaaqib xumada ka dhalan karta weerarka Israa’iil ay ku qaadday Qadar, waxaana la filayaa in dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka ay si buuxda u muujiyaan fekerkooda.

Dalalka ka qeyb galaya waxaa ka mid ah Soomaaliya, oo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali, uu shalay gaaray halkaas.