Sep 15(Jowhar)-Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa ka hadashay dilkii dhawaan loo geystay Charlie Kirk, aasaasaha ururka Barta Isbeddelka Mareykanka (Turning Point USA), iyadoo sheegtay in rabshadaha siyaasadeed aan marnaba la aqbali karin.
“Rabshadaha siyaasadeed gabi ahaanba waa wax aan la aqbali karin oo aan la difaaci karin. Falalka bilaa caqliga ah lama oggolaan karo in ay ka dhacaan dalkeenna,” ayay tiri Ilhaan Cumar oo war-saxaafadeed soo saartay.
Charlie Kirk, oo ahaa 31 jir, waxa uu caan ku ahaa taageerada aragtida dhaqameed iyo barnaamijyada wacyigelinta ardayda kolejyada Maraykanka. Waxa uu saaxiib dhow la ahaa Madaxweyne Donald Trump.
Dilkiisa ayaa naxdin weyn ku abuuray bulshada Mareykanka, iyadoo dood xooggan ka dhalatay ammaanka hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo saamaynta rabshadaha la xiriira fikirka siyaasadeed.