Uganda oo sheegtay iney dishay horjoogihii Shabaab ee gobolka Sh.hoose

0
87

Sep 17(Jowhar)-Ciidanka Uganda ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa sheegay inay dileen Cismaan Xuseen Buune, oo lagu sheegay inuu ahaa horjoogihii Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib hawlgal lama filaan ah oo ay ka fuliyeen meel u dhow degmada Buulo Mareer, Axaddii 14-ka Sebteembar.

Waaxda Isgaarsiinta ee Uganda ayaa bayaan rasmi ah ku xaqiijisay warkaasi, iyagoo tilmaamay in hawlgalku uu ahaa mid qorsheysan oo ka dhan ah saraakiil ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha Sektor-ka Koowaad ee ciidanka Uganda, Jeneraal Brigadier Joseph Musoke Ssemwanga, ayaa sheegay in hawlgalka lagu soo qabtay agab kala duwan oo ay ku jiraan:

Bastoolad, Boorso yar, Durbaan, Laba taleefoon gacmeed Iyo walxo kale oo aan la shaacin noocyadooda

Jeneral Ssemwanga ayaa ku tilmaamay hawlgalkan mid guul muhiim ah u ah dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee ka howlgala Soomaaliya.

Degmada Buulo Mareer ee Shabeellaha Hoose waxay caan ku tahay istaraatiijiyad ahaan, maadaama ay ku taallo marin muhiim ah oo isku xira gobollada koonfureed iyo caasimadda Muqdisho. Sidoo kale, deegaankaasi ayaa marar badan noqday goob dagaallo culus iyo weeraro qaraxyo ah oo ay Al-Shabaab ka gaysatay.

Hawlgalka ay ciidamada Uganda ka fuliyeen halkaas ayaa loo arkaa mid lagu xoojinayo ammaanka deegaanka iyo in la wiiqo awoodda kooxda.

Inkasta oo Uganda ay shaacisay natiijada hawlgalka, haddana weli kama aysan hadlin dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka gobolka Shabeellaha Hoose, si ay u xaqiijiyaan dhacdada.

Ciidamada Uganda waxay ka mid yihiin ciidamada ugu weyn ee ku jira howlgalka Midowga Afrika, kuwaas oo muddo sanado badan ka dagaallamayey gudaha Soomaaliya. Hawlgallada noocan oo kale ah ayaa qayb ka ah dadaallada lagu doonayo in lagu wiiqo awoodda Al-Shabaab, isla markaana lagu xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida dalka.