Dib u dhac ku yimid furitaanka kalfadhigga 7-aad ee golaha shacabka

0
73

Sep 19(Jowhar)-Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in furitaanka Kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka dib loo dhigay, iyadoo markii hore loo balansanaa inuu furmo Sabtida, 20-ka Sebteembar 2025.

Sida lagu sheegay fariin rasmi ah oo loo diray xildhibaanada, dib u dhaca ayaa yimid kadib codsi uga yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka furitaanka kalfadhiga cusub ayaa hadda loo qorsheeyay inuu qabsoomo Isniinta, 29-ka Sebteembar 2025.