XOG: Madaxweyne Xasan oo cabsi uu ka qabo in lagu buuqo u baajiyay kulankii baarlamaabka

0
84

Sep 19(Jowhar)-Macluumaad dheeraad ayaa kasoo baxaya sababaha rasmiga ah ee ka danbeeya dib u dhaca ku yimid furitaanka kalfadhigga 7-aad ee baarlamaanka oo loo balansanaa maalinimada beri oo Sabti ah.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in culeys soo foodsaartay madaxweynaha oo uga imanaya dhanka xildhibaanada mucaaradka ah oo laga cabdi qabo iney Firinbi ku yeeriyaan madaxweynaha uu keenay in dib loo dhigo kulanka.

Saddex sababaood ayey xoguhu kusii darayaan iney soo dadajisay wadahadal deg deg oo dhexmaray madaxweynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka, si mudanayaasha fariin loogu diro in beri aanu wax kulan ah jiri, waxeyna kala yihiin;

1- Cabsi laga qabo in xildhibaanada mucaaradka ah ay ku buuqaan madaxweynaha oo ay Firinbi ku yeeriyaan inta ay socoto hadal jeedintiisa, arrintan waxaa loo sababaeynayaa koror xad dhaaf ah oo ku yimid tirada xildhibaanada mucaaradka ah oo abaabul xooggan waday maalmahan.

2- Cududa xildhibaabada Mooshinka wada oo korortay, tani waxaa laga cabsi qabaa in xildhibaanada kulanka koowaad-ba ay gudoonka ugu wareejiyay liiska mudanayaasha saxiixay mooshinka kalsooni kala noqoshada xukuumada.

3- Shir shalay ay isugu yimaadeen inkabadan 50 xildhibaan, iyaoo isku raacay iney furitaanka baarlamaanka inta khudbada madaxweynaha ay socoto ay cod sare kaga hadlaan dhulboobka xargaha goostay ee madaxweyn Xasan uu mas’uulka ka yahay.

Wararka ayaa intaasi kusio daraya in todobaadka danbe uu jiro shir weyn oo ay mucaaradka isugu imanayaan magaalada Muqdisho, saameynta shirkaasi ayaa ku xirnaan doonto sida mucaaradka ay u carqaladeeyaan khudbada madaxweynaha.

29-ka bishan ayaa la filayaa in dib loo furo baarlamaanka, walow aan iyada lafteeda la hubin, maadaama ay sii laba jibaarmayaan xildhibaanada mucaaradka ah.