184 Soomaali ah oo xaalado adag wajahayay oo laga soo daad gureeyay dalka Liibiya

0
97

Sep 23(Jowhar)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Talaado ah ku guulaysatay inay ka soo daadgurayso dalka Liibiya illaa iyo 184 muwaadin oo ku dhibanaa, xaalado adagna ay ku haysatay, iyani tani ay ka qeyb tahay dadaallada joogtada ah ee lagu hubinayo bedqabka iyo ka warqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibaddiisa.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, ayaa dadaal mug leh ku bixisay howshani, iyadoo gudanaysa waajibka qaran ee kaga aadan ee u adeegidda iyo ka war-qabka dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibaddiisa.

Dadkani oo 152 ka mid ah ayaa laga dejiyay gegidda diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho , halka 32 ka mid ah laga dejiyay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, waxaana gacan ka geysatay Hay’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM).

Muwaadiniintani ayaa waxaa gegidda diyaaradaha Aadan Cabdulle ku soo dhoweeyay Ra’iisul wasaare kuxigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xildhibaan Isaaq Maxamuud Mursal, mas’uuliyiin kale oo dowladeed iyo wakiillo ka socday hey’adda IOM.