Jul 18 (Jowhar)Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal gudaha garoonka diyaaradaha Aden Cadde ku dhexmaray ciidamo Nabad sugid iyo boolis ah, kuwaasoo ku wada qoran hubinta amniga garoonka Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya inuu jiro khasaare dhaawacyo u badan oo gaaray sarkaal Sirdoonka Soomaaliya ka tirsan iyo mid kamid ah askartiisa, waxaana dhaawiciisa loola cararay mid kamid ah Isbitaalada magaalada.
Sarkaalka dhaawacmay oo magiciisa Cabdi Wahaab lagu magacaabo ayaa ah taliyaha qeybta VIP-da ee garoonka, waxaana isaga iyo askariga la socday ee NISA ah dhaawac u geystay ciidamo boolis ah oo watay budad.
Sababaha dagaalka ayaa lagu sheegay inuu salka ku hayo muran labada ciidan u dhexeeyay oo ku aadan saraakiil NISA ah oo kasoo dagay garoonka Muqdisho, kuwaasoo watay Baasabooro Service ah, waxaana qeybta Imagration-ka ay amreen in saraakiishaasi baasbaoorka laga xareeyo, waxaase diiday askarta kale ee NISA, taasoo buuq ka dhalisay garoonka.
Khilaafka dagaalkaasi oo markiisii hore afka ku koobnaa ayaa maanta sii laba kacleeyay kadib markii saraakiisha NISA ay diideen iney qeybta VIP-da soo galaan gawaarida saraakiisha Imagration sababo ku aadan aargoosiga buuqii hore.
Xiisada waxaa kusoo baxay ciidan boolis ah oo budad watay, iyagoo isku dayay iney xoog ku xareeyaan gawaarida saraakiisha, taasoo ugu danbeyn keentay in budad lala dhoco sarkaalka iyo askariga NISA, maadaama xiisada sii laba kacleysay.
Dad xog-ogaal ah ayaa ku warramay in booliska oo maalmahanba culeys ka dareemay dhanka Nabad sugida loo keeno budad ay gudaha garoonka ku dhex wadan karaan, kadib culeysyo ay la kulmayeen.
Taliyayaasha booliska iyo Nabad sugida Asad Diyaano iyo Mahad Salaad ayaa caawa xiisadan ku baxay, waxeyna xogaha tilmaameysaa inuu socdo qorshe la doonayo in maxkamadda ciidmadda dhacdadan loo gudbiyo si ay go’aan u gaarto.