Waan-waan laga dhex bilaabay mucaaradka iyo madaxweyne Xasan kadib dagaalkii shalay

0
119

Sep 25(Jowhar)-Guddi Xildhibaano ah oo ka soo jeeda Beesha Hawiye ayaa bilaabay dadaalo lagu qaboojinayo xiisaddii shalay ka dhacday Saldhigga degmada Warta Nabadda, iyagoo xalay la kulmay dhinaca mucaaradka.

Xubnaha guddiga ayaa dhanka dowladda kala hadlay in aan xaalada looga sii darin, lagana fogaado hadal kasta oo xiisadda sii kicin kara.

Labada dhinac Guddiga Xildhibaannada iyo xubnaha Mucaaradka ayaa berri u balamay fadhi, si looga hadlo xalinta shaqaaqadii Saldhigga Booliska degmada Warta Nabadda.

Ilo ku dhow dhow xubnaha guddiga ayaa sheegaya in xalay ay taleefan kula hadleen Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku sugan New York, iyadoo Madaxweynuhu ka aqbalay wax kasta oo ay usoo qaadaan si xaaladda loo dejiyo.

Dhinaca kale Duubabka dhaqanka ayaa iyagana ku biiraya dadaalada xal raadinta sidii xiisadda loo qaboojin lahaa, loogana baaqsan lahaa gacan ka hadal iyo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni darro oo ka dhaca Caasimadda Muqdisho.