Saddex Qof oo isku Qoys ah oo lagu Af-duubtay Galgaduud

0
121

Sep 27(Jowhar)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay deegaanka Laan-dawaco, oo u dhaxeeya magaalooyinka Cadaado iyo Dhabad, ka af-duubteen saddex ruux oo qoys ah.

Dadkan la af-duubtay ayaa kala ahaa hooyo, gabadheeda iyo cunug yar oo ay sidatay, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Goobjoogayaal ayaa sheegay in kooxdii falka geystay ay dadkaasi la aaday dhanka magaalada Dhabad.

Qoyska la af-duubtay ayaa kasoo jeeda degmada Cadaado, mana jiraan ilaa iyo hadda faahfaahin rasmi ah oo kasoo baxday maamulka deegaanka ama hay’adaha ammaanka ee ku aaddan dhacdadan.

Af-duubkan ayaa kusoo aadaya xili ay sii laba jibaarmeen falalka aanooyinka qabiil salla ku haya  ee ka jiraan qaybo ka mid ah gobolka Galgaduud iyo Mudug.