ciidan ka tirsan Daraawiishta Puntland oo si sharci darro ah Khamriga u galiya Garoowe

0
129

Sep 27(Jowhar)-Taliye ku xigeenka Qeybta Booliska Gobolka Nugaal, Gaashaanle Dhexe Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul), ayaa shaaca ka qaaday in khamriga si sharci-darro ah lagu soo geliyo magaalada Garoowe, islamarkaana arrintaas ay ku lug leeyihiin ciidamo ka tirsan Puntland.

Fardafuul oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri:

“Khamriga waxa soo galiya waa ciidamo, warkaasi waa xaqiiq. Waa ciidan dowladeed oo ka ganacsada, oo iibiya, oo qoryo sita. Laakiin maaha ciidanka Booliska. Intaasi in aan idin caddeeyo ayaan rabaa; waxa khamriga soo galiyaa waa ciidan ka tirsan Daraawiishta.”

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo cabasho xoog leh laga muujinayo magaalada Garoowe, kadib markii bulshada qaar ay walaac ka muujiyeen faafitaanka khamriga iyo saameynta uu ku leeyahay dhalinyarada.

Ilaa hadda, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay taliska guud ee Daraawiishta Puntland ee ku aaddan eedeynta uu jeediyay Taliye ku xigeenka Booliska Nugaal.