Sep 28(Jowhar)-Saddex qof ayaa lagu dilay, siddeed kalena waa dhaawac kadib markii nin hubeysan oo saarnaa doon uu rasaas ku furay dad fadhiyay maqaaxi ku taalla xeebta gobolka North Carolina ee dalka Mareykanka
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in qof lala xiriiroyay falkan ay gacanta ku dhigeen oo baaritaano ay ku socdaa , falka waxa uu si gaar ah uga dhacay maqaayadda American Fish Company ee magaalada Southport.
Mas’uuliyiinta gobolka ayaa dadka daggan aagga falka uu ka dhacay ka dalbaday iney guryohooda ku nagaadaan inta baaritaanadu ay socdaan.
Si kastaba, falalka toogashada la xiriirta ayaa mudooyinkan kusoo batay dalkaasi Mareykanka, mana jirto wax tillaabo oo lagu yareynayo oo ay qaaday xukuumada Washington.