Ciidanka Puntland oo 5 ka tirsan Daacish ku dishay Howlgal Qorsheysan

0
108

Sep 28(Jowhar)-Ciidanka difaaca Puntland ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Koor-Xagarle oo hoos yimaada deegaanka Dhasaan, halkaas oo ay ku dileen shan xubnood oo ka tirsan kooxda Daacish, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.

Inta lagu guda jiray howlgalka, ciidamada ayaa mid ka mid ah dagaalyahanada nolosha ku qabtay, halka saddex kale lagu hareereeyay oo ay weli dagaal kula jiraan.

Goobta laga fuliyay howlgalka ayaa ahayd halkii qarax miino loogu aasay Taliyihii guutada 2-aad ee ciidanka Puntland, Alle ha u naxariistee, Jen. Qalyare.

Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa tallaabo aargudid ah iyo qorshe lagu nadiifinayo aagga kooxda miinada dhigta, si loo xaqiijiyo nabadgelyada shacabka iyo ciidamada ku sugan deegaanka.

Howlgalka ayaa weli socda, waxaana wararka hordhaca ah ay muujinayaan in ciidanku gacanta ku hayaan goobihii lagu tuhunsanaa inay saldhig u ahaayeen dagaalyahanada Daacish.