Madaxweyne Xasan oo maanta furaya kalfadhigii u danbeeyay ee BFS

0
82

Sep 29(Jowhar)-Magaalada Muqdisho waxa maanta la filayaa in uu dib u furmo kalfadhi ay yeelanayaan barlamaanka Soomaaliya oo fasax ku maqnaa tan iyo 22-kii bishii June ee sanadkan.

Inkastoo horey loo shaaciyay in kulamada barlamaanku bilowdaan 20-kii bishan, haddana lama sheegin sababta dib loogu dhigay oo maanta soo gaarsiisay.

Kalfadhigan ayaa u muuqda in uu noqonayo kii ugu dambeeyay maaddaama muddo -xileedkiisa ay ka hadhay wax ka yar toddoba bilood.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka soo laabtay shirkii Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta furi doona kal-fadhiga.

Ajdendayaasha la filayo in lagaga hadlo kaladhiga labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, waxa ka mid ah dib-u-eegista dastuurka Soomaaliya, heshiiskii madaxweynaha iyo madasha samatabixinta.

Bilaha u harsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa la filayaa in uu wax ka qabto arrimaha doorashada.