Trump iyo Netanyahu oo ku heshiiyay qorshe cusub oo xal u ah Qaza

0
87

Sep 30(Jowhar)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ay isla meel dhigeen qorshe cusub oo nabadeed oo ku saabsan Qasa, iyaga oo uga digay Xamaas in ay diiddo.

Qorshahan ayaa soo bandhigaya in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, iyadoo Xamaas laga rabo in ay sii deyso 20 maxbuus oo Israa’iiliyiin ah iyo in ka badan 20 kale oo la aaminsan yahay in ay dhinteen, taas oo la fulinayo 72 saacadood gudahood, beddelkeedana waxaa la sii dayn doonaa boqollaal Falastiiniyiin ah oo ku xidhan xabsiyada.

Ilo Falastiini ah oo xog-ogaal u ah wadahadallada xabbad-joojinta ayaa u sheegay BBC-da in mas’uuliyiinta Xamaas lagu wargeliyay hindise ka kooban 20 qodob oo ka yimid Aqalka Cad ee Mareykanka.

Mid ka mid ah qodobbada muhiimka ah ee ku jira heshiiska ayaa ah in Xamaas aanay wax door ah ku yeelan doonin maamulka Qasa, taas oo albaab u furaysa suurtagalnimada in la dhiso dawlad Falastiini ah oo dhammaystiran.