Meydka Safiirka Koofur Afrika ee France oo laga helay magaalada Paris

0
110

Sep 30(Jowhar)-Meydka Safiirka Koonfur Afrika ee Faransiiska ayaa la helay isagoo dhintay kadib markii uu kasoo dhacay dabaqa 22-aad ee qol hotel uu ku daganaa.

Emmanuel Nkosinathi Mthethwa, oo la sheegay inuu maqnaa tan iyo Isniintii, ayaa meydkiisa laga helay agagaarka hotel-ka Hyatt ee Porte Maillot, magaalada Paris, dihurnimadii maanta.

Mr. Mthethwa, oo 58 jir ahaa, waxaa maqnaanshihiisa soo sheegtay xaaskiisa kadib markii ay ka heshay “farriin walaac leh fiidkii,” sida uu sheegay xafiiska xeer-ilaalinta Paris. Iyadoo laga cabsi qabay inuu noloshiisa soo afjaro, ayaa boolisku bilaabeen baadi-goob ay ku raadinayaan oo ay ka sameeyeen dhulka keymaha ee galbeedka Paris.

Mr. Mthethwa waxaa xilkan loo magacaabay bishii Febraayo ee sannadkii hore. Waxa kale oo uu hore u ahaa wakiilka joogtada ah ee Koonfur Afrika u fadhiya UNESCO, kaddib xirfad siyaasadeed oo tobanaan sano qaadatay.