Qodobada ku hareerrysan safarka madaxweyne Xasan uu Jimcaha ku tagayo Kismaayo

0
120

Nov 01(Jowhar)-Safarka la filayo in maalinta jimcaha uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tago magaalada Kismaayo si uu wada-hadal ula yeesho Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Ayaa waxaa ku gadaaman arrimo badan oo aan kala caddayn, iyadoo la ogaa khilaafkii labada dhinac uu ahaa mid aad xargaha u goostay oo sababay dagaal dhiig badan ku daatay. Safarkan ayaa u muuqda mid xambaarsan cadaadis gudaha iyo dibadda oo is biirsaday.

Xogaha la helayo waxay sheegayaan in xitaa xubnaha aadka ugu dhow labada dhinac aysan ka warqabin ajendaha kulankan iyo qaabka uu Madaxweynuhu kaligiis u go’aansaday inuu wada-hadallo la furo Axmed Madoobe. Sida muuqata, wada xaajoodyadan waxay ku socdeen dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay si hoose oo Madaxweynuhu kaligiis ka warqabo,

Waxaa isa soo taraya kaalinta dalal shisheeye oo ku howlan isu-soo dhoweynta labada dhinac waxaana dadaaladan ka soo billowdeen Min Abu Dhabi, Nairobi illaa Addis Ababa, wada hadal khadka taleefanka oo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe dhex maray oo uu isku xirkiisa lahaa Taliyaha Sirdoonka Kenya Nuuradiin Xaaji ayaa albaabada u furay billowga dadaalada dhex dhexaadinta, sidoo kale kulan doceed ka dhacay Addis Ababa oo Madaxweyne Xasan Sheekh halkaas kula kulmay William Ruto iyo Abiy Ahmed ayaa iyana door ku laheyd wada xaajoodyada sida hoose ku socday oo markii dambe soo gaaray heer aan la fileyn oo Madaxweynuhu goostay inuu Kismaayo ugu tago Axmed Madoobe, bedelkii ay dal shisheeye ku kulmi lahaayeen.

Waxaa la filayaa in wafdi hordhac u ah Madaxweyne Xasan Sheekh ay maanta gaaraan Kismaayo, sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo Nairobi ku sugan ayaa maanta ku wajahan Kismaayo oo ay durbaba ka billowdeen diyaar garowga soo dhoweynta Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu safarkiisa Kismaayo ka leeyahay labo arrin, mida koowaad in Beesha Caalamka uu tuso in khilaafkii uu wada hadal ku bedelay oo Axmed Madoobe ugu tagay Kismaayo iyo haddii wada hadalka Kismaayo uu fashilmo uu Madaxweynuhu qaado dariiq kale oo ka dhan ah Axmed Madoobe.

Madaxweyne Axmed Madoobe qudhiisa labo daran mid dooro ayaa heysata sida saaxibadiisa Puntland iyo Mucaaradka Muqdisho inuu meel cidlo uga tago iyo inuu aqbalo dalabka culus uu Madaxweyne Xasan Sheekh wato oo ay kow ka tahay inuu aqbalo wixii ay horay ugu heshiiyeen iyo inuu ku soo laabto Golaha Wadatashiga Qaran, wada tashiyadii isaga iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ku yeesheen Nairobi ayay qeyb ka aheyd waxa uu ula tagayo Xasan Sheekh.

Si kastaba ha ahaatee safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Kismaayo iyo wada xaajoodyada ka soo baxa ayaa isha lagu hayaa halka uu ku furo geeddiga siyaasadeed ee dalka.