Nov 01(Jowhar)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed iyo Marwada Koowaad Zinash Tayachew, oo ay weheliyaan Ra’iisul Wasaare ku-xigeennada Temesgen Tiruneh madaxwayne kuxigeenka xisbiga barwaaqo mudane Adam Farah, ayaa goor dhaw soo gaaray magaalada Jigjiga, halkaasoo uu kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar.
Abiye oo caawa ku hoyanaya magaalada ayaa la filayaa inuu xarriga ka jaro dhismaha laami si casri ah oo la sameeyay oo magaalada dhex-mara.
Abiye iyo Cagjar ayaa la filayaa iney beri gaaraan magaalada Godeey, halkaasoo ay mashaariic waaweyn ka dhagax dhigi doonaan.