Jul 19 (Jowhar)-Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhaawacantay kadib markii gaari uu jiiray ama dardaray dad ku sugnaa degmada Santa Monica Boulevard ee magaalada Los Angeles.
Toddobo ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa xaaladooda ay liidataa sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Waaxda Dab-damiska ee LAFD (LAFD).
Shilkan ayaa dhacay 02:00 wakhtiga maxaliga ah (09:00 GMT) waxana uu ka dhacay meel u dhaw goob lagu caweeyo oo ku taal North Vermont Avenue.
Illaa hadda ma cadda sababta keentay in gaariga uu dhexda u galo dadka faraha badan.
Dadka ku dhaawacmay shilkan ayaa badankood ah haween doonayay inay galaan gudaha goobta lagu caweynayay.